Magaalo caan ah oo laga dareemayo kuleylkii ugu xumaa muddo 80 sano ah (Daawo Sawirro)

Magaalada Sydney ee waddanka Australia ayaa waxaa laga dareemayaa kuleylkii ugu darnaa muddo 79 sanno ah iyadoo heerkulka uu gaaray 47.3C (117F) oo ah mid aad u heer sarreeya.

Dadka ku nool deegaanka Penrith ee galbeedka Sydney ayuu dhidid qooyay jirkooda xilli kuleylku uu saameeyay maanta oo Axad ah.

Ciyaartoy ka qeyb qaadanaysay tartan caalami ah oo Tennis ah ayaa waxaa qasab ku noqotay inay ciyaarta soo afjaraan 10-ka subaxnimo xilliga Sydney, kaddib markii kooxaha soo qabanqaabiyay tartankaasi ay sheegeen in heerkulku uu 40C kor u dhaafay.

Dhowr digniino oo la xiriira in dab kici kara ayaa lagu shaaciyay deegaanka Sydney oo dhan.

Heerkulka maanta oo Axad ah ayaa waxyar ka yar kuleylkii deegaankaasi ku dhuftay 1939, markaas oo heerkulku uu gaaray 47.8C.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -