Gaadiid & hub ciidanka DF looga qabsaday Ceel-saliini oo la soo bandhigay (Sawirro)

Xarakada Al-Shabaab ayaa faafisay qeybta labaad ee sawirrada dagaalkii khasaaraha badan dhaliyay ee dhowaan ka dhacay saldhigga ciidanka dowladda ee deegaanka Ceelsaliini ee duleedka magaalada Marko ee gobolka Sh/hoose.

Qeybtan waxaa lagu soo bandhigay gaadiid dagaal iyo saanado milleteri oo xoogaga Al Shabaab ay kusoo furteen dagaalkii Ceel-saliini.

Laba gaari oo ah nooca dagaalka ee Cabdi bilaha loo yaqaano oo ay ku xiranyihiin qoryaha dhashiikaha iyo hub kala duwan oo isugu jiray qoryaha fudud, rasaas iyo qalab kale ayaa ka mid ahaa waxyaabaha la soo bandhigay.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -