Wadaad Dhallinyaro ahaa oo dil argagax leh loogu geestay magaalada Muqdisho

Wararka ka imaanaya degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in xalay koox ciyaal weero katirsan degmadaasi ku dileen nin dhallinyaro ah oo ahaa Imaam Masaajid iyo wadaad dadka kutubada diiniga ah bara.

Ciyaal weero ku hubeesnaa mindiyo ayaa xalay dil argagax lahaa u geestay Sheekh Mowliid Macalin Cabdullaahi oo kamid ahaa wadaadada sida weyn looga yaqaan degmada Kaaraan, waxaana dilka aad uga naxay shacabka Kaaraan.

Sida aan wararka ku helnay ciyaalka weerada ayaa ayaa dhoor xabo oo toorey ah ku dhuftay Sheekh Mowliid, waxa ayna kooxdan dilka kaddib wadaadka horey uga sii qaateen moobeel iyo agabyo kale uu watay.

Ciyaalkii weerada ee dilka geestay ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday, waxaana goobta dilku ka dhacay gaaray ciidamo katirsan booliiska saldhigga degmada Kaaraan, kuwaa oo bilaabay howlgalo lagu baadigoobayo kooxda dilka geesatay.

Dadka ku dhaqan degmada Kaaraan ayaana aad uga naxay dilka loo geestay Sheekhan caanka ka ahaa degmada, waxa ayna shacabka ugu baaqeen ciidamada in tallaabo adag ka qaadaan kooxdii dilka geesatay iyo ciyaalka weerada ee dhibka ku haya shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -