Hooyo iyo Ninkeeda oo dil argagax leh u geestay gabar yar (Daawo Sawirada)

Deegaan kuyaala duleedka magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug waxaa ka dhacay dil dad badan ka argaxeen, waxaana dilkan uu noqday mid hadal heyn badan bulshada ka dhax abuuray.

Ikraam Mire Xaashi oo aheyd gabar 11-sano jir ah ayaa waxaa si arxan daro ah u dilay Hooyadeed iyo nin qaba, lamaanahan ayaana dilka gabadhan yar u adeegsaday garaacid daran iyo dhaawacyo kale ay jirkeeda gaarsiiyeen.

Ciidamada booliiska Galmudug ayaa xalay saqdii Dhaxe tuulada Jeecaloosin oo kutaala duleedka  Dhuusomareeb kasoo qaaday meydka gabadha yar ee sida arxan darada ah loo dilay, waxaana gabadhan maanta lagu aasay qabuuro kuyaala Dhuusomareeb.

Wararka aan helnay ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada booliiska gacanta kusoo dhigeen kuna xireen saldhiga Dhuusomareeb hooyada gabadhan dhashay iyo ninkii qabay oo la sheegay in iyagu ka dambeeyeen dilka gabadha.

Taliyaha booliiska saldhiga Dhuusomareeb ayaa sheegay in gabadha yar loo geestay dil aad uga argagaxeen, waxa uuna tilmaamay in baaritaano ay sameeyeen kusoo agaadeen qaabka uu dilku u dhacay ayna cadaalada horgeyn doonaan eedeesanayaasha.

Aabaha dhalay gabadha yar ee sida arxan darada ah loo dilay ayaa uga mahad celiyay ciidanka booliiska si ay usoo qabteen dadka la tuhmayo in dilka ka dambeeyeen, waxa uuna codsaday in dadkaasi dilay gabadhiisa cadaalada la marsiiyo.

Dilkan argagaa leh ee loo geestay gabadha yar ayaa aad uga careesiisay dadka kunool deegaanka dilku ka dhacay iyo magaalada Dhuusomareeb, waxaana wali dadku iseweediinayaan sababta keentay in sidaas naxariis darada ah loo dilo gabadhaasi yar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -