Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xaflad weyn oo caawa ka socota Villa Somalia & Madaxda sare ee dalka oo qeyb galaya (Sawirro)

Munaasabad balaaran oo lagu soo xirayo kalfadhiga 6aad ee labada aqal ee Baarlamanka Somalia ayaa caawa ka socota xarunta Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho.

Waxaa Munaasabada ka qeyb galaya Madaxweynaha Somalia, Raisul Wasaaraha dalka, Guddoomiyeyaasha iyo xildhibanada labada aqal ee Baarlamanka, xubno ka tirsan golaha wasiirada, maamulka gobolka banaadir, siyaasiyiin iyo qeybaha bulshada.

Kooxda fanaaniinta qaranka Soomaaliyeed ee waaberi ayaa munaasabada ka qaadaya heeso iyo suugaan kale oo ka turjumaya wadaniyada iyo waxqabadka madaxda dowlada.

Madaxda sare ee dowlada ayaa lagu wadaa iney gebagebada xaflada ka jeediyaan khudbado ku aadan waxqabadka labada aqal ee baarlamanka iyo xaalada siyaasadeed, amni iyo bulsho ee ka jirta dalka.

Kala soco faahfaahinta Wararkeena soo socda Insha allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliye la sheegay in Duqeyn lagu dilay oo warbaahinta kasoo muuqday

Cabdi Cade

Shiikh Shariif oo ka hadlay go’aankii Midowga Afrika ka qaatay Muddo kororsiga

Caydiid Ali

Iska hor imaad khasaaro geestay oo ka dhacay Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---