Jubbaland oo go’aan ka qaadatay sharciyo ay ansixiyeen labada gole ee Baarlamanka

Madaxweyne ku-xigeenka 2-aad ee dowlad-goboleedka Jubbaland Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud ayaa maanta shir gudoomiyey kulanka golaha wasiirada dowlad goboleedka Jubbaland.

Shirka ayaa looga hadlay qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin dagaalka lagula jiro Al Shabaab, arrimaha qabyo tirka Dastuurka iyo Hindise sharciyeedka gudniinka fircooniga ah oo ay so gudbisay wasaaradda haweenka Jubbaland iyo arrimo kale.

Golaha wasiirada Jubbaland ayaa dood dheer ka dib yeeshay sharciyo ay ansixiyeen labada gole ee Dowladda Federaalka, kuwaasoo ay ka mid yihiin sharciyada Batroolka, warfaafinta iyo Doorashooyinka, waxaana ay goluhu ansaxiyeen in Dowlad goboleedka Jubbaland aysan qayb ka aheyn, wixii kasoo baxana aanay shuqul ku lahayn.

Sidoo kale Golaha Wasiirada Jubbaland ayaa ansixiyey Hindise Sharciyeedka Gudniinka Fircooniga oo ay soo gudbisay wasaaradda haweenka Jubbaland.

Golaha wasiirada Jubbaland ayaa intii shirkoodu socday waxay ka tacsiyeeyeen khasaaraha ciidanka xoogga dalka iyo dadka rayidka ah kasoo gaaray dagaalkii ay kooxaha cadowgu ka geysteen gobolka Shabeellaha Hoose.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -