Taliye la sheegay in Duqeyn lagu dilay oo warbaahinta kasoo muuqday

Taliyaha Guutada Ciiddanka Badda Madow ee dalka Raashiya, Admiral Viktor Sokolov oo ay Milliteriga Ukraine horey u sheegeen inay Duqeyn ku dileen Jimcihii la soo dhaafay ayaa waxa uu maanta ka soo muuqday Kulan Sare oo dhanka Fogaan Araga (Video Call Conference).

Muuqaal ay Wasaaradda Difaaca ee Raashiya baahisay ayaa waxa uu Admiral Viktor Sokolov ka soo muuqday Kulan uu guddoomiyey Wasiirka Difaaca Raashiya, Jeneral Sergey Shoigu, kana qeyb galeen Saraakiil Milliteri.

Taliyaha Guutada Ciiddanka Badda Black Sea, Admiral Viktor Sokolov ayaa Muuqaalkiisa dhowr jeer ka soo bandhigay, iyadoo laga daawanayey Shaashad weyn oo taallay dhabarka dambe ee Wasiirka Difaaca, Jeneral Sergey Shoigu.

Dowladda Ukraine waxay horey u sheegtay inay Jimcihii la soo dhaafay ay Labo Gantaal ku duqeeyeen Xarunta Dhexe ee Ciiddanka Badda Raashiya ku leeyihiin magaalladda Sevastopol ee Gacan-biyoodka Crimea, kuna dileen 34 Saraakiil Raashiyaan ah oo uu ka mid ahaa Taliyaha Ciiddanka Badda ee Black Sea, Admiral Viktor Sokolov, kaasi oo maanta ka soo muuqday Shirka ay Saraakiisha Milliteriga Raashiya ku yeesheen Aalada Fogaan Araga.

Axadii la soo dhaafay, Madaxa Sirdoonka Milliteriga Ukraine, Krill Budanov ayaa sheegay in Duqeymahaasi lagu dilay ugu yaraan 9 qof, laguna dhaawacay 16 kale oo ay ku jiraan Labo Jeneral oo Raashiyaan ah.

Ma soo hadal qaadin inuu Admiral Viktor Sokolov ka mid ahaa Saraakiisha geeriyootay ama kuwa ku dhaawacmay Duqeymahaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -