Iska hor imaad khasaaro geestay oo ka dhacay Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Dabley hubeesan oo qaarkood xirnaayeen dareeska ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa xalay weerar ku qaaday Bar-koontorool oo Ciidamo katirsan Booliska Soomaaliya ku leeyihiin Agagaarka masaajidka Turkiga ee kuyaalla degmada Kaaraan.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in dableyda hubeesan weerar gaadmo ah kusoo qaadeen ciidanka booliiska ee joogay koontaroolka, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal daqiiqado kooban socday.

Inta xaqiijiyay hal wiil oo shacab ah kana mid ahaa dadka deegaanka oo lagu magacaabayay Sakariye Cabdullaahi Sabriye ayaa ku geeriyooday iska hor imaadka, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay askari katirsan booliiska.

Ciidamo badan oo katirsan booliiska ayaa gaaray koontaroolka weerarka lagu soo qaaday , waxaana halkaasi isaga tagay ciidankii weerarka kusoo qaaday booliiska oo isugu jiray maleeshiyaad iyo kuwa katirsan milatariga.

Ciidamada booliiska iyo kuwa weerarka kusoo qaaday ayaa la sheegay in xiisad u dhaxeysay horey looga dareemayay xaafada Jamhuuriya ee degmada Kaaraan, waxaana degmadaasi awwood badan ku leh dableyda hubeesan aan cidna ka amar qaadan .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -