Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Dagaal qaraxyo ku bilowday oo ka dhacay Qoryooley & Wararkii ugu dambeeyey

Wararka laga helayo degmada Qoryooleey ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya, in halkaasi uu saaka ka qarxay dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda & Al-Shabaab.

Goob joogayaal ayaa sheegay in Al-Shabaab ay weerar culus oo qaraxyo ku bilowday ku qaadeen degmada Qoryooley, kaddibna uu bilowday dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidanka dowladda & Al-Shabaab.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dagaalkan uu yimid ka dib howlagalo xalay ka dhacay degaano hoostaga Degmada Qoryooley oo Ciidamada Dowladda Kula wareegen deegano cusub.

Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose Ibraahin Aadan Najax ayaa sheegay iney iska caabiyeen weerarkaas, lana jebiyey kooxihii weerarka soo qaaday.

Ibraahin Aadan Najax ayaa sheegay ayaa sheegay Al-Shabaab ay isku dayeen iney qarxiyaan Buundada Qoryooley ee dul marta webiga shabelle.

“Waxaan u hambalyeynayaa ciidamadeena degmada qoryooley kuwaasoo difaacay shacabka degmada kana hortagay qarax baabuur la rabay in lagu burburiyo buundada degmada, Waxaa Al-shabaab looga dilay dagaalka maleeshiyaad badan waxaana looga furtay hub uu ka mid yahay qoriga BKM-ka waxaana hadda la hayaa 3 meyd oo ay ka carareen Al-shabaab” ayuu yiri gudoomiye Najax.

Al-shabaab kama hadlin weerarkan lamana oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay dagaalkan oo ahaa kii ugu cuslaa ee ka dhaca degmadaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muxuu taliyaha ciidanka Dhulka kala hadlay Shacabka degaanka Janaale? (Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Taliban oo soo bandhigtay dayuurad Drone ah oo lagu sameeyey Afghanistan

Caydiid Ali

Maxaa ka soo baxay kulankii dhexmaray Farmaajo iyo Rooble?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---