Sawir ceeb & fadeexad dhaliyey oo deg deg looga saaray bogga Madaxweyne Trump

Kooxda ololaha doorashada Madaxweyne Donald Trump ayaa tiray sawir ay soo dhigeen barta Twitter-ka ee ololaha doorashada ee Madaxweynaha ka dib markii lagu qabsaday, ceebna ay ka dhalatay.

Waxaa sawirkan la qaaday sanadkii 2004, xilligaasoo madaxweyne George Bush uu booqday goob ay ka socotay tartanka baabuurta waxaana kooxda ololaha doorashada madaxweyne Trump ay ka dhigeen in la qaaday tartan maalma ka hor ka dhacay gobolka Florida oo uu Madaxweynaha ka qeybgalay.

Madaxa ololaha doorashada ee Trump, Brad Parscale ayaa bogga ololaha doorashada Trump ku qoray: “madaxweyne Trump waxaa uu ku guuleystay tartanka Daytona 500 oo aan wali bilaabanin”.

Qoraalka iyo sawirka ayaa muujinaya diyaaradda khaaska ah ee Madaxweynaha Mareykanka oo ku dul duuleysa dad daawanaya tartanka baabuurta, waxaana barta Twiter-ka ee ololaha Trump ay ku jirtay muddo saddex saac ah kahor inta aanan laga saarin.

Sawirkan oo hadalheyn badan ka abuuray baraha bulshada ee Mareykanka ayaa inta aanan la saarin waxaa ka falcelisay ku dhawaad soddon kun oo qof.

Taageerayaasha Trump oo aan ogeyn sawirka iyo xilliga la qaaday ayaa aad ula dhacay sawirka iyo sida loo qaaday, waxaana ay uga falceliyeen qoraalo ay ku muujinayaan sida wanaagsan ee diyaaradda loo sawiray.

Dad badan ayaa Madaxweynaha iyo kooxdiisa ololaha doorashada ku dhaleceeyay in sawir uusan lahayn uu iska sheegto, ayna ka been sheegaan xilliga la qaaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -