Maamulka Jubbaland oo ka hadlay dagaal iyo qaraxyo ka dhacay Qooqaani

Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Jubbaland oo shalay ka baxay magaalada Kismaayo kuma sii jeeday degaanka Dhoobley ee isla gobolka Jubbada hoose ayaa weerar ku bilowday qaraxyo waxaa uu ku qabsaday duleedka degaanka Qooqaani oo 150-Km u jirta magaalada Kismaayo.

Weerarkan ayaa yiimid ka dib Al-shabaab oo ka war helay in ciidamadaas ay wadada ku soo jireen ay u diyaariyeen kamiin ama jidgal sida wararku sheegayaan.

“Dagaalka oo lagu jabiyey aragagixisada ayaa lagaga diley 8 ka mid ah maleeshiyaadka ay marin habaabiyeen halka ciidamada Jubbaland ay ka shashiidey laba askari oo ku nafwaayey gaari miino la kacdey intii ay dagaalka ku jireen halka 2 kalena ay ku dhaawacantey dagaalkaas kadib ciidamada ayaa gaarey deegaanka Qooqaani” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay maamulka Jubbaland.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in mid ka mid ah gaadiidka ciidamada Jubbaland uu ku burburay qaraxyada jidka loo dhigay, ayna ku dhinteen ku dhowaad 10 askari oo ka tirsan ciidankii la socday.

Sidoo kale waxay wararku sheegayaan in ciidamadan ay hordhac u ahaayeen safar la sheegay in maalmaha soo socda uu ku tegi rabo Dhoobley Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -