Maxaa ka soo baxay kulankii dhexmaray Farmaajo iyo Rooble?

Kulan saacado qaatay ayaa galabta ayaa waxaa galabta xarunta Villa Somalia ee magaalada Muqdisho  ku yeeshay Madaxweynaha xiligiisu dhamaaday ee Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Raisul Wasaaraha Xukumada xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Waxaa kulankan ka soo shaqeeyey Guddoomiye ku xigeenka Baarlamanka Somalia C/weli Muudey iyo Taliyeyaasha Ciidamada iyadoo ujeedadiisu aheyd sidii xal looga gaari lahaa kiiska Ikraan Tahliil iyo xilka ka qaadista muranka dhalisay ee lagu sameeyey taliyihii NISA Fahad Yaasiin.

Sida wararku sheegayaan labada dhinac ayaa is dhaafsaday doodo kulul oo ka turjumaya kiiskan, iyadoo Madaxweyne Farmaajo uu dalbaday inuu aqbalayo xilka ka qaadista Fahad Yaasiin taas bedelkeedna la joojiyo baaritaanka iyo dacwada lagu soo oogayo ee la xiriirta kiiska Ikraan Tahliil.

Warar lagu kalsoonaan karo oo aan ka helay Ilo ku dhow kulankan ayaa xaqiijiyay in Ra’iisul Wasaaruhu ku adkeystay inay lama taabtaan tahay go’aankiisa shaqo ka joojinta Agaasimihii NISA Fahad Yaasiin, magacaabidii Agaasimaha KMG iyo in Kiiska baaritaanka Maxkamadda horay loo sii wado.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka uu ku dhamaaday natiijo la’aan ka dib markii la isku mari waayey arrimaha laga wada hadlay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -