(Sawirro) Taliban oo soo bandhigtay dayuurad Drone ah oo lagu sameeyey Afghanistan

Maamulka Taliban ayaa soo bandhigay diyaarad cusub oo ah nooca aan duuliyaha laheyn ee Drone taasoo lagu magacaabo “Bakhtyar”.

Dayuuradan ayaa lagu farsameeyay gudaha dalka Afghanistan.

Waxay sheegeen in diyaaradan aan duuliyaha lahayn ee bakhtyar ay duuli karto masaafo dhan 700km Isla markaana ay qaadi karto culeys gaaraya 70kg.

Dhinacakale, Dawladda Iran ayaa ku wareejisay ururka Taliban ee ka taliya Afghanistan, safaaraddii uu dalkaasi ku lahaa magaalada Tehran, taas oo noqonaysa in dalka Iran uu si rasmi ah u aqbalay diblomaasiyiinta Taliban, isaga oo aan aqoonsi rasmi ah siinaynin xukuumaddooda ka talinaysay dalka Afghanistan, 18-kii bilood ee ugu dambeeyey.

Wasaaradda arrimaha debedda ee xukuumadda Taliban ayaa sheegtay Isniintii inay u dirtay caasimadda dalka Iran ee Tahran, koox diblomaasiyiin ah oo ka kooban illaa toddoba xubnood, kuwaas oo uu hoggaaminayo diblomaasi cusub oo ay u magcaabeen inuu si ku meel gaadh ah u sii hayo xilka.

Kooxdan diblomaasiyiinta ah ayaa dib u hawlgelin doona safaaradda dalka Afghanistan ku leeyahay dalka Iran.

Qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha debedda ee Taliban ayaa lagu sheegay in tallaabadani ay tahay mid muhiim ah oo kor loogu qaadyao xidhiidhka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Iran iyo Afghanistan.

Iran ayaa ka mid noqotay dalal kala duwan oo ku yaalla gobolkaas, kuwaas oo ururka Taliban u ogolaaday inay magcaabaan shaqaale diblomaasiyiin ah oo metela Afghanistan oo dalalkooda ka hawlgala.

Balkhi oo an wasiirka arrimaha debedda ee Taliban ayaa qoraal ugu sheegay VOA in dalalka tallaabadaas qaaday ay ka mid yihiin, Pakistan, China, Uzbekistan, Turkmenistan, Russia, Turkey, Qatar, Malaysia, Kyrgystan iyo Kazakhstan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -