Mareykanka oo shaaciyay tirada askarta Al Shabaab iyo Daacish ee ka howlgala Somalia

War kasoo baxay milaariga dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in dagaalyahanada kooxda Al Shabaab ay gaarayaan 4-Kun ilaa 6-kun oo dagaalyahan, kuwaa oo ku sugan qeybo kala duwan oo Soomaaliya kamid ah.

Mareykanka ayaa sheegay in Al Shabaab ay kamid yihiin Ururada waa weyn ee ka faracma kooxda Al Qaacida, waxa aana Al Shabaab Mareykanka ku tilmaameen in ay kamid yihiin kuwa ugu awooda badan ee Caalamka ka dagaalama.

Warka kasoo baxay Mareykanka ayaa lagu sheegay in dagaalyahanada Al Shabaab caqabad ku yihiin nabad ka dhalata Soomaaliya sidoo kale xasilooni daro ka abuurayaan wadamo daris la ah Soomaaliya.

Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in dagaalyahanada kooxda Daacish ku biiray ee Soomaaliya jooga ay aad u yar yihiin, waxa ayna tirada dagaalyahanadaasi ku sheegeen 75 ilaa 80- dagaalyahan.

Al Shabaab ayaa maamusha gobolo iyo degmooyin kuyaala Soomaaliya, waxa ayna Al Shabaab weeraro dhabo gal ah iyo kuwa toos ah ay ku qaadaan ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -