Daawo Sawirada: Dhaqaatiir Ajaaniib ah oo sameenaysa Qaliino iyo Daaweyn kala duwan oo Muqdisho timid

Magaalada Muqdisho gaar ahaan Isbitaalka Daaru Sihha yimid Dhaqaatiir u dhalatay Dalka Hindiya oo sameenaya qaliino loo isticmaalayo qalabka leesarka oo casri ah iyo sidoo kale daaweynta cuduro kala duwan.

Isbitaalka Daaru Sihha ayaa hada waxaa ka socda qaliino kala duwan iyo daaweyn ee sameenayaan dhaqaatiirtan u dhalatay dalka Hindiya oo Soomaaliya u timid sidii ay u caawin lahaayeen dadka baahiyaha caafimaad qaba dibaddana u aadi jiray.

Dr Tahliil Xasan oo ah Maamulaha Isbitaalka Daaru Sihha ayaa sheegay in dhaqaatiirtan u keeneen magaalada Muqdisho si ay qaliino iyo daaweyn ugu sameeyaan bulshada Soomaaliyeed ee ku adag tahay in dalka dibadiisa aadaan.

Waxa uu sheegay Tahliil in Dhaqaatiirtan maalmo kooban ka howl galayaan Isbitaalka Daaru Sihha, waxa uuna ugu baaqay dadka u baahan daaweynta iyo Qaliinada ay sameenayaan dhaqaatiirtan ay ka faa’iideestan maalmaha kooban ee magaalada Joogayaan.

Dhaqaatiirta Muqdisho timid waxaa kamid ah Dr Arifuddin Mohamed Khaja oo sameenaya Qaliimada Kilyaha Dhagxaanta ku jira, Qanjirada kaadimareynta borosteedka TURB, waxa sidoo kale daweenayaa Cudurada ku dhaca kilyaha sida Infakshinka  iyo dhalmo la’aanta xaga raga (Male Infirtility Treatment )

Waxaa sidoo kale Isbitaalka Daaru Sihha hada ka howl galeysa Drs  Syida Juweriya oo iyadana ku taqasustay xanuunada burooyinka kasoo baxa minka , cudurada la xariira dhalmo la’aanta dumarka, iyo dhamaan cudurada Haweenka ku dhaca sida caado wareerka .

Dhaqaatiirtan u dhalatay dalka Hindiya ayaa ah kuwa ku xeel dheer qaliinada iyo daaweynta cudurada aan soo sheegnay iyo kuwa kale , waxa ayna ka howlgalaan Isbitaalo waa weyn oo kuyaala magaalada Hydrobad ee dalka Hindiya.

Isbitaalka Daaru Sihha ee magaalada Muqdsisho ayaa dadaal badan ku bixiyay in ay dalka keenaan dhaqaatiirtan oo ahaa kuwii loo aadi jiray dalka Hindiya, waxa ayna Dhaqaatiirtan Muqdisho joogayaan kana howl galayaan Isbitaalka Daaru Sihha mudo 10-maalin ah.

Hadaba ka Faa’’iideeso fursadan qaaliga ah ee dalkaaga laguu keenay Dhaqaatiirtii Hindiya loo aadi jiray

Waxii Faah Faahin ah kala Xiriir Isbitaalka Daaru Sihha oo kuyaala magaalada Muqdisho gaar ahaan Laamiga KM-6 agagaarka Jaamacada Banaadir.

Kala Xiriir Telfoonadan kala ah: 0613088606 ama 0613088556

Email :Darusihha2020@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -