Heyadda Culimada oo ka soo horjeesatay hadalka ka soo yeeray Shiikh C/qaadir Soomow

Sheekh Bashiir Axmed Salaad iyo Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah masuuliyiinta heyadda culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in hadalka ka soo yeeray Sheekh Soomow ee uu ku weeraray Shiikh Umal uusan ahayn mid ay la qabaan culimada Soomaaliyeed.

“Hadalka ka soo yeeray Sheekh Soomow ma ahan mid u ku matalayo culimada ee waa kalima ra’yigiisa ah, haddii Sheekha uu wax tabanayo ama su’aal uu qabo waxay ahayd in uu culimada Soomaaliyeed la soo xiriiro, Sheekha inuu ku degdego arrin noocaas ah ma ahayn”, ayuu yiri Sheekh Bashiir oo ah guddoomiyaha hey’adda culimada Soomaaliyeed.

Wuxuu intaa ku daray in Sheekh Umal uusan u imanin dalxiis iyo qaraabo salaan, balse uu u yimid sidii loo gargaari lahaa dadka Soomaaliyeed ee dhibaatada ka soo gaartay fatahaadaha, wuxuuna ku baaqay in laga soo qeybgalo muxaadarada Sheekh Umal oo laga faaideysto.

Sidoo kale Sheekh Cali Wajiis oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay in eedeemaha loo heysto Sheekh Umal aysan waxba ka jirin oo aanan loo heynin wax cadeyn ah.

“Hadalada Sheekh Soomoow uu ka sheegay Sheekh Umal waxay dhaawacayaan wixii Sheekh Umal uu ka mudnaa Soomow iyo ummadda Soomaaliyeed iyo gargaarkii uu Sheekh Umal u fidiyay dadka Soomaaliyeed, Sheekhaa waxaa uu keenay 330 kun oo doolar oo uu soo uruuriyay dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan, Sheekh Soomow na waxaa uu meel uga dhacay dhaqanka Soomaalida”, ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.

Wuxuu intaa raaciyay in Dowladda Soomaaliya ay raali ka tahay muxaadarada, dadkuna ay ka soo qeybgalaan.

Eedeynta Shiikh Soomow ayaa timid ka dib markii Sheekh Umal uu shaaciyay inuu maalinta Jimcada ah ee 22-ka bisha November uu garoonka Eng. Yariisow ee magaalada Muqdisho ku qaban doono muxaarado.

Soomow ayaa si weyn uga soo horjeestay muxaadaradaas isagoo shacabka Soomaalida ka dalbaday inaysan ka qeyb galin muxaadarada Sheekh Umal oo uu ku eedeeyay inuu gaaleysiiyey Suufiyada, uuna taageersan yahay fekerka khawaarijta, isagoo xusay in fatwooyinkiisa lagu laayey dad badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -