Wararkii ugu dambeeyey Xaalada RW Boris Johnson oo la il ildaran cudurka COVID-19

Rai’sal wasaaraha UK Boris Johnson, ayaa la sheegay in xaaladdiisa caafimaad ay ka soo reyneyso kaddib markii habeenkii labaad uu ku baryay qeybta daryeelka degdegga ah ee isbitaalka oo la dhigay habeen hore.

Wasiirka Caafimaadka UK Edward Argar ayaa sheegay in Boris Johnson uu haatan neefta qaadanayo, lagana furay qalabka oksijiinta ee neefta ka caawiya dadka uu naqasku ku dhego.
“Waxaan ogahay in xaaladdiisa ay ka wanaagsantahay sidii hore, hadda si wanaagsan ayuu u neefsan karaa oo uma baahna qalabka dadka ka caawiya neefsashada,” ayuu yiri Argar.

Ma jiraan warar dheeraad ah oo laga filayo xaaladda Mr Johnson ilaa iyo galinka dambe ee Arbacada maanta ah.

·”Lama hayo cadeymo buuxa oo naga caawin kara inaan go’aan qaadanno” oo ku saabsan goorta ay UK qaadi doonto xayiraadaha saaran dalka” ayuu yiri wasiirka oo intaas ku daray in haatan aysan jirin wax laga welwelo oo ku saabsan xaalada Boris Johnson.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -