Weerar Gaari loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Toronto (Daawo Sawirro)

Magaalada Toronto ee caasimada dalka Canada waxaa ka dhacay weerar loo adeegsaday gaari, waxaana weerarkan ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Nin gaari si xowli ah u waday ayaa dad badan oo wado marayay si ula kac ah u jiirsiiyay, waxaana dadka weerarkan waxyeelada kala diuwan kasoo gaartay marayeen wado aad u mashquul badan.

Inta la xaqiijiyay weerarkan gaariga loo adeegsada waxaa ku dhintay 10-qof halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 20-qof oo kale, dadka dhaawacyada qaba qaarkood ayaa lagu soo waramayaa in xaalad halis ah ku jiraan.

Ninkii weerarkan ka dambeeyay oo ka baxsaday goobta uu weerraka ka geesay ayaa markii dambe ciidamada booliiska ku guuleesteen in ay soo qabtaan, waxaana ninkan oo hada xabsi ku jira ku socda baaritaano adag.

Wasiirka Badqabka Dadweynaha ee Canada, Ralph Goodale ayaa weerarkan ku tilmaamay mid khatar ah oo aad uga walaacsan yihiin, waxa uuna ka gaabsaday in uu ka hadlo sababta weerarkan ka dambeysay.

Wadamada Reer Galbeedka waxaa kusoo badanaya weerarada loo adeegsado gaadiidka ee dadka shacabka ah lala beegsado, walina lama cadeyn waxa uu weerarkan ka dhacay Toronto salka ku hayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -