Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

Somaliland oo go’aan cad ka qaadatay booqashada Farmaajo ee Hargeysa

Somaliland, ayaa markii u horeysay war ka soo saartay Safarka la sheegay in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ku tagayo magaalada Hargeysa.

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda ee Somaliland, Liibaan Yuusuf Cismaan ayaa sheegay inaysan suurtagal aheyn in uu Madaxweyne Farmaajo uu socdaal ku yimaado caasimada Somaliland ee Hargeysa, isagoo arintaas ku sifeeyey riyo maalmeed aan rajo laga qabin iney dhab noqoto.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka oo ku qornaa luuqada Ingiriiska ayuu wasiirku sheegay in Xukuumada Somaliland ay ilaalineyso jiritaankeeda.

“Somaliland marnaba diyaar uma ahan inay madaxweyne Farmaajo ku soo dhaweyso magaalada Hargeysa, mana dhaceyso” ayuu yiri wasiirka oo intaas ku daray in dastuurka Somaliland uusan ogoleyn in qof xilka haya dowlada Somalia uu cagaha soo dhigo ciida Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo tacsi u diray shacabka dowlad goboleedka Galmudug

Caydiid Ali

Golaha Wasiirada Somalia oo isugu yimid kulan looga hadlay qodobo xasaasi ah (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Xog cusub oo laga helay qaar kamid ah wiilasha DF tababarka ugu dirtay Eritreya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---