Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Farmaajo oo tacsi u diray shacabka dowlad goboleedka Galmudug

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Bulshada iyo Dowlad Goboleedka Galmudug geerida ku timid Alle ha u naxariistee Ugaas Axmed Barre Cali oo ku geeriyoodey magaalada Caabudwaaq.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Ugaas Axmed Barre Cali uu ahaa hormuud dhaqan oo lafdhabar u ahaa nabadda iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, isaga oo door muuqda ka soo qaatay dadaalladii geddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya, gaar ahaan  dib u heshiisiinta shacabka ku dhaqan deegaannada Dowlad Goboleedka Galmudug.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Alle ha u naxariistee Ugaas Axmed Barre Cali, waxa uu ka mid ahaa hoggaanka nabadda iyo dhaqanka bulshada Soomaaliyeed ee doorka weyn ka soo qaatay dowlad-dhiska, dib-u-heshiisiinta iyo nabadaynta shacabka Soomaaliyeed ee deegaannada Galmudug iyo guud ahaan Soomaaliya”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo shaacisay xiliga loo fariisanayo Imtixaanka dugsiyada Sare

Caydiid Ali

Wadahadalo u socday Sacuudiga iyo Qatar oo fashilmay iyo Xog ku aadan Sababta

Caydiid Ali

Xulka Qaranka kubadda Cagta Soomaaliya oo gaaray Magaalada Harare (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---