Faahfaahin: Dilkii caawa loo geystay Weriyihii Universal & Mas’uuliyiin ka hadlay

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan dil caawa Weriye ka tirsanaa TV-ga Universal loogu geystay degmada Afgooye gobolka Sh/hoose.

Qoraal kooban oo lagu daabacay bogga TV-ga Universal ee facebook ayaa lagu sheegay in wariye Cabdiweli Cali Online oo telefishinka uga soo warami jiray gobolka Sh/hoose ay degmada Afgooye ku dileen dabley hubeysan oo weerar gaadmo ah ku soo qaaday.

Dilka weriyaha ayaa ka dhacay Xaafada Ifiyo Aaqiro, gaar ahaan agagaarka Dugsiga Sare ee Afgooye

Goob joogayaal ku sugan degmada Afgooye iyo xubno ka tirsan eheladiisa ayaa ku waramay in weriyaha oo dhaawacyo ah halis ah qaba loo soo qaaday Muqdisho uuna geeriyooday intii gaarigii lagula cararay uu wadada ku jiray.

Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose Ibraahim Aadan Najax ayaa cambaareeyey dilka weriyaha oo uu sheegay inuu aad uga naxay.

“Naxariista Janno allaha ka waraabiyo Wariye Abdulwali Cali Online oo kooxo hubeysan ku dileen Afgooye, Hey’adaha amaanka ee degmada waxaan farayaa inay baaritaan rasmi ah ay ku sameeyaan kooxaha dilka geystay gacantana lagu soo dhigo, Saaxiibkeen waxa uu si dhaw ula shaqeynayay Maamulka Gobolka” ayuu yiri gudoomiyaha.

Dilkan ayaa imanaya maalmo kadib markii Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ay sheegtay in suxufiyiinta Soomaaliya ay halis kaga imaneyso weerarada kooxda Al-Shabaab iyo handadaada dowladda Soomaaliya, iyadoon intaa ku dartay in tan iyo sanadkii 2017kiin lagu dilay Somalia 8 weriye.

Wariye Cabdiweli Cali Online oo illaa hadda aysan jirin cid sheegatay dilkiisa ayaa noqonaya weriyihii ugu horeeyey ee Somalia lagu dilo sanadka 2020-ka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -