Britain oo digniin ka bixisay Muddo kordhin loo sameeyo heyadaha DF

Britain ayaa sheegtay in ficil kasta oo muddo kordhin loogu sameynayo hay’adaha muddo xileedkoodu uu dhammaaday ee Soomaaliya aan la aqbali doonin.

Wasiirka arrimaha Afrika u qaabilsan Britain James Duddridge ayaa muujiyey baahida loo qabo in madaxda Soomaalida ay isku yimaadaan, xalna ka gaaraan heshiis la’aanta ku aadan hirgelinta hanaan doorasho, si waafaqsan qodobadii la isku raacay 17-kii September, iyo talo soo jeedintii Guddiga Farsamo ee Baydhabo.

“Britain ma taageeri doonto ficil kasta oo lagu qabanayo doorasho hal dhinac ah, hanaan doorashooyin oo is-dhinac socda, iyo muddo kordhin lagu sameeyo heyadaha DF ee waqtigoodii dhacay” ayuu yiri Duddridge.

Wasiirka ayaa ku baaqay in wax walba laga hormariyo danta shacabka Soomaaliyeed darteed, iyo danaha guud ee amniga, horumarka iyo kobaca Soomaaliya.

“Waxaan ugu baaqeynaa madaxda Soomaalida inay ka guuleystaan is-mari waaga taagan, ayna yeeshaan wadahadallo wax ku ool ah, ayna sida ugu dhaqsiyaha badan u qabtaan doorashooyin lagu kalsoonaan karo,” ayuu yiri James Duddridge.

Hadalkan ayaa ku soo beegmay xili saacadihii ugu dambeeyey la isla dhexmarayey warar sheegaya isku day muddo kordhin oo ay wadaan Xildhibaanada golaha shacabka qaarkood, taasoo digniino adag laga bixinayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -