Xogta kulan dhexmaray Cabdi Xaashi & Ku-xigeenka Wakiilka Q/Midoobay

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Anita Kiki oo ay ka wada hadleen xaaladda guud ee Dalka.

Guddoomiyaha ayaa uga mahad-celiyey Ku-xigeenka Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Anita Kiki taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay Qaramada Midoobay u fidiso Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo dadaalka dheeriga ah ee ay Marwo Kiki Soomaaliya la garab taagnayd intii ay xafiiska UNSOM joogtay.

Kulanka, waxaa goobjoog ahaa Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, Hab-dhowraha Aqalka Sare, Marwo Samsam Ibraahim Cali iyo Xoghayaha Guud Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS, Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga afaraad kulankiis 3-aad oo ajandihiisu ahaa Akhrinta1-aad ee Sharciga Howlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshad Mudane Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa Sanatarrada Aqalka Sare u faahfaahiyay muhiimadda hindise sharciyeedka Howlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda.

Intaas kadib Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa faray guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada, Aqalka Sare in ay la wareegaan Hindise Sharciyeedka Howlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda, si ay uga soo gutaan waajibaadka ka saran Golahana ay dib ugu soo celiyaan.

HOOS KA DAAWO SAWIRRO

- Advertisement -