C/kariin Guuleed oo ka hadlay raali-gelintii Madaxweyne Farmaajo siiyey Somaliland

Madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa soo dhoweeyey raali gelintii uu Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ka bixiyey dhibaatadii 30-ka sano ka hor loo geystay shacabka gobolada Woqooyi.

Hase ahaatee Guuleed ayaa sheegay in raali gelinta ka sokow looga fadhiyey dowlada Madaxweyne Farmaajo iney sii ambaqaado wadahadalkii xal gaarista qadiyada Somaliland, arrintaasoo uu sheegay iney ka gaabisay dowladda hadda jirta.

“Raaligalinta iyo garowshaha Madaxweyne Farmaajo ee ku aadan gadoodfalkii iyo tacadiyadii walaalaha reer Somaliland ka soo gaaray nidaamkii milateriga ahaa iyadoo ah mid soo dhaweyn mudan, haddana waxaa Madaxweynaha iyo maamulkiisa looga fadhiyey ambaqaadista wadahadalo miro dhal ah oo dhexmara labada dhinac iyo xal ka gaarista qadiyadda Somaliland ee 30 jirsatay” ayuu yiri Guuleed.

Cabdikariin Guuleed ayaa sidoo kale soo dhoweeyey hadalkii ka soo yeeray heyadda IMF iyo Bankiga Aduunka ee ahaa in Soomaaliya ay buuxisay shuruudihii deyn cafinta.

“Waxaan bogaadinayaa soona dhaweynayaa ku dhawaaqista IMF iyo Bankiga Aduunku ay ku dhawaaqeen in Soomaaliya buuxisay shuruudihii deyn cafinta.

Guuleed ayaa ka digay in fursadan dalka lagu geliyo deymo kale oo aan baahi loo qabin, wuxuuna ku baaqay in looga faa’iideysto si wanaagsan.

“Anagoo bogaadineyna tilaabadaas horay loo qaaday, haddana waxaan soo jeedineynaa in laga taxadaro qaadasho deymo kale oo laaga baaqasan karo oo dalka dib u cusleeya” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -