Allbanaadir.com
NEWS

Xubin katirsan Kooxda Daacish oo lagu qabtay Howlgal laga sameeyay Muqdisho

Ciidamada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa howlgal ay shalay ka sameeyeen magaalada Muqdisho waxa ay ku qabteen xubin katirsan dagaalyahanada kooxda Daacish.

Ninkan katiran kooxda Daacish ee qabteen ciidamada Nabad sugida ayaa lagu sheegay in uu kooxdaasi u qaabilsanaa soo tashkiilinta xubnaha cusub iyo faafinta wararkooda beenta ah.

”Howlgal aan cidi wax ku noqon ayaa ciidamada amniga 23-ka bishaan, kusoo qabteen howlwadeen ISIS u qaabilsanaa soo tashkiilinta xubna cusub iyo faafinta wararkooda beenta ah (Borobagaandhada), waxaana la horkeeni doonaa cadaaladda” Ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Ciidamada Nabad sugida ayaa howlgalo ay marar badan ka sameeyeen Muqdisho waxa ay ku qabteen xubno katirsan kooxaha Al Shabaab iyo Daacish, xubnahan ayaana inta badan sawiradooda aan loo soo bandhigin Warbaahinta.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dacwado ka dhan ah Shirkadda Apple oo loo gudbiyey Maxkamadaha Maraykanka

Caydiid Ali

Al Shabaab oo saakay Madaafiic ku garaacday Xerada Milatari ee Turkiga ka fureen Muqdisho

Cabdi Cade

Farmaajo: “Waxaan gacmaha u furaynaa walaalaheen Somaliland ee midnimada dhaliyey” (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---