Deni oo safar aan la shaacin ku aaday Nairobi iyo Xog ku aadan qorshaha socdaalkiisa

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Arbaco ah safar aan la sii shaacin ugu ambabaxay magaalada Nairobi, iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan ujeedka safarkiisa.

ilo wareedyo ku dhow madaxtooyada Puntland ayaa sheegaya in Madaxweyne uu kulamo kala duwan kula qaadan doono Nairobi, safiiro ka socda dalalka qaar, xubno matalaya wakiilada Beesha caalamka, iyo deeq-bixiyaasha.

Madaxweynaha Puntland  iyo xubnaha Beesha Caalamka, ayaa sida la xaqiijiyay, waxay Nairobi ku yeelan  doonaan shir la xiriira  arrimaha Amniga iyo Siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaanna doorashada 2021-ka, dib u-eegista Dastuurka, Khilaafka Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka iyo deeqaha Caalamku ku bixiyo magaca Soomaaliya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Saciid Deni uu  wato qorshe uu beesha caalamka  dhaadhicinayo in deeqaha loogu talo galay Puntland toos loo siiyo maamulkiisa oo aan loo sii marinin dowlada federaalka.

Puntland ayaa ka mid ah maamulada ay sida weyn isugu dhac yihiin dowlada dhexe ee Somalia ka dib markii dowlad goboleedyada qaarkood la soo baxeen hanaan ay awooda kula loolamayaan dowlada dhexe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -