(Daawo Sawirro) Ninkii ka dambeeyey weeraradii ka dhacay Paris oo xukun adag lagu riday

Saalax Cabdisalaam oo lagu helay inuu ka dambeeyey weerarkii Paris ka dhacay 201, iyadoo Ayri oo isna 24 jir ah loona heysto rasaasta ay ciidamada ku soo rideen xilli lagu raad joogay.

Labada ninba waxay ku xukuntay Maxkamadu min 20 sano oo xabsi ah.

Cabdisalaam oo loo gudbinayo xabsi ku yaallo dalka Faransiiska wuxuu la kulmi doonaa dacwad kale oo la xidhiidho weerarki uu ka geystay Paris.

Ayari waa 24 jir u dhsahay dalka Tuuniisia oo xukunka maxkamadda maanta loo akhriyey waxaa lagu xukumay 20 sano oo xarig ah oo uu dalbaday xeer ilaaliyaha.

Garsooraha maxkamadda Marie France ayaa sheegtay in aysan ka shaki qabin iney labada nin ay ku lug lahaayeen falka argagixsada ah.

Waxay intaa ku dartay ujeeddadu waxay tahay mid iska cad dabeecadaha hubka ay isticmaaleen, tirada rasaasta ay rideen iyo ciidammada booliska” ee ay dhaawaceen.

15-ki bisha Maarso ee 2016 Booliska Begium waxay Cabdisalaam ka baadi goobayeen dhul keymo ah oo duleedka Brassels ku yaallo.

Markii ay xaggiisa u dhaqaaqeenna waxay rasaas isdhaafsadeen ciidankii ku hareereysnaa mid ka mid ahna halkaas ayuu ku dhintay, saddex kalana dhaawac uu halkaa ka soo gaaray.

Cabdisalam iyo Ayari waxay qorsheynayeen iney baxsadaan, laakiin Cabdisalaam ayaa sawirka farahiisa laga helay halki uu ku dhuumanayey, taasoo lagu ogaaday inuu goobtaasi ka fogeyn, iyadoo ugu dambeyn maalmo kaddib laga soo qabtay meel ku dhow Molenbeek.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -