Markab lagu raray qalabkii Imaaraadka oo ka shiraacday dekeda Muqdisho (Daawo Sawirro)

Markab laga leeyahay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa dekeda Muqdisho ka shiraacday maanta kadib markii la saaray qalab milatari oo ay leeyihiin ciidamada Imaaraadka ee tababarada siin jiray ciidamada  dowlada.

Qalabka markabkan lagu raray ayaa waxaa ka mid ahaa, gaadiid dagaal iyo kuwo caadi ah, kontaynaro iyo agab kale oo laga soo qaaday xerada Jen. Gordon.

Xeradii lagu tababari jirey ciidamada dowlada ee Imaaraadku ka baxeen ayaa waxaa ka bilowday dagaal u dhexeeya ciidamadii joogay iyo ciidamo kale oo ka tirsan dowlada wax yar ka dib markii uu Markabkan ka furtay dekeda Muqdisho.

Lama oga waxa isku soo beegay labadan arimood balse taliyaha ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay iney ka hortageen ciidamo ka mid ahaa kuwii xeradaas ku jiray oo damcay iney halkaas ka qaataan qalab milateri.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -