Dadka Shiinaha oo looga digay in ay taabtaan dadka Ajaaniibta iyo Carro ka dhalatay

Dowladda Shiinaha ayaa uga digtay muwaadiniintooda in ay taabtaan ama la fal galaan dadka ajaaniibta ah ee kunool gudaha Shiinaha, kaddib markii dalkaasi laga diiwaangeliyay kiiskii ugu horreeyay ee cudurka furuq-daanyeerka.

Madaxa ka hortagga cudurrada faafa ee dalka Shiinaha, Wu Zunyou, ayaa qoraal uu soo saaray ku xaqiijiyay in la diiwaangeliyay kiiskii ugu horeeyay ee cudurka furuq-daanyeerka, waxa uuna dadka Shiinaha ugu baaqay in aysan taaban kana fogaadaan ajaaniibta.

Wu Zunyou wuxuu shacabka Shiinaha ugu baaqay in ay ka fogaadaan la kulanka dadka dhawwaan kasoo safray dalalka dibadda iyo kuwa ajaaniibta ah ee Shiinaha ku sugan si uusan ugu dhici cudurka furuq-daanyeerka.

Digniintan Shiinaha soo saaray ayaa abuuray carro badan, waxaana dadka qaar u fasireen in tallaabadani ay tahay faquuq iyo cunsuriyad si gaar ah loogu geesanayo ajaaniibta kunool gudaha Shiinaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -