Itoobiya oo hawada ka saartay Mid ka mid ah TV-yada Soomaalida & Xog ku aadan sababta

RTN-TV oo ka tirsan telefshinada Soomaalida ee xaruntiisa tahay Nairobi ayaa laga saaray Satelite-ka Thaicom oo ah Satelite-ka ugu badan ee ay isticmaalaan Telefishinada Soomaalida.

“Waxaan ku wargelinaynaa dhammaan daawdayaasha RTN TV meel walba ay joogaan in hawada satelliteka Thaicom aan ka maqanahay muddo 24 saac, sababtuna ay tahay warqad ay qortay Wasaaradda Warfaafinta Ethiopia oo dacwo u gudbisay shirkadda lalisa TV-yada Soomaalida ee Thaicom, kuna amartay in hawada lanaga saaro. Ma jirto wax dacwo qoran oo lanoo soo gudbiyay” ayaa lagu yiri Qoraal la soo dhigay bogga Facebook ee Telefishinka.

Sida ay sheegayaan warar laga helay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay waxaa Telefishinka RTN dacweysay dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ka dib markii ay dhibsadeen warar laga sii daayay.

Maamulka dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sidan oo kale waxay u dacweeyeen Telefishino Soomaali ah oo ay sababtaas awgeed maalmo badan hawada ugu maqnaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -