Doonyo hub & saanad Milateri ka dejiyey xeebta Hobyo & Xog ku aadan cida loo wado

Doonyo Hub fara badan ka qaaday Magaalada Muqdisho ayaa la sheegay iney gaareen degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Sida wararku sheegayana doonyahan hubka siday ayaa waxaa diray dowladda Federaalka Somalia, waxaana loogu tala galay ciidanka xoogga dalka ee qeybta 21aad ee ka howlgasha gobolada dhexe.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in hubka saarnaa Doonyahan laga dejiyay Xeebta Hobyo, isla markaana gawaari kuwa xamuulka ah lagu sii raray.

Hubkan laga dejiyey Hobyo ayaa lagu howlgelinayaa ciidamada xoogga dalka, si ay degaanada Galmudug uga bilaabaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -