C/naasir Seeraar: “Xaafaddii aan Kismaayo ka degenaa ayaa la igu soo weeraray”

Cabdinaasir Seeraar oo sheegta inuu yahay madaxweynaha Jubbaland ayaa ka hadlay dagaalkii maanta Kismaayo ku dhexmaray ciidamadiisa iyo kuwa taabacsan Axmed Madoobe.

Seeraar ayaa sheegay in ciidamada Jubbaland ay isaga ku soo weerareen xaafadda uu ka deggen yahay magaalada Kismaayo.

“Anigu xaafaddii aan magaalada ka degenaa ayaa la’igu soo weeraray, ka dibna waan iska difaacnay taasna xaq baanu u leenahay, mudooyinkana dagaalka waa nagu haayey oo dulqaadka iga dhamaaday ayuu ku hayey waayahaan, habeen hore ayuu Nairobi ka yimid saraakiishiisa ayuu shiriyey waxuuna ku amray in magaalada nalaga saaro ” ayuu yiri Cabdinaasir Seeraar oo xusay iney iska caabiyeen ciidamadii soo weeraray, isagoo Axmed Madoobe uga digay inuu mar kale soo weeraro goobaha ay ciidankiisu ka joogaan Kismaayo.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dad taageerayaashiisa ah oo si nabad ah u dibad-baxayay lagu weeraray magaalada Kismaayo taasoo uu sheegay iney aheyd mid xad gudub ah oo ka dhan ah xoriyada hadalka.

Wasiirka warfaafinta Dowlad-goboleedka Jubbaland oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa isna ku eedeeyey DF inay ka dambeysay iska horimaadkii maanta ka dhacay Kismaayo.

Arrintani ayaa imaaneysa xilli magaalada Kismaayo maanta ay gaareen wafddi uu hogaaminayo danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto, uuna ka mid ahaa taliyaha ciidamada Maraykanka ee Afrika, iyagoo la kulmay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -