Maraykanka oo hanjabaad iyo digniin kama dambeys ah siiyey Madaxda Soomaalida

Mareykanka ayaa ku hanjabay inuu cunqabateyn saarayo Soomaaliya, haddii waqtiga loo qabtay doorashada ay sii jiidanto.

Hadalkan ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay waaxda arrimaha dibeda ee Maraykanka sida uu baahiyey telefishinka Aljazeera.

Hanjabaada Maraykanka ayaa ku soo aadeysa xili golaha wadatashiga Qaranka ay soo saareen go’aano la xiriira jadwalka iyo hufnaanta doorashada.

Madaxweynaha xiligiisu dhamaaday ee Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo oo xalay hadal u jeediyey shacabka ayaa soo dhoweeyey natiijada ka soo baxday shirka golaha wadatashiga ka dib cadaadis xoogan oo kaga yimid xubnaha beesha caalamka oo Maraykanku ku jiro.

Hanjabaada Maraykanka ayaa muujinaysa in beesha caalamku uu ka sii dhamaanayo dulqaadkii ay u hayeen madaxda Soomaalida oo haatan khilaafkoodu faraha ka baxay markii ay isku qabteen habka doorashada loo qabanayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -