Allbanaadir.com
NEWS

Imaaraadka Carabta oo lagu eedeeyay in ay hurinayaan Colaad ka taagan dal Afrika kuyaalla

Dal Sudan waxaa muddo sannad ka badan ka socda dagaal sukeeye oo galaaftay nolosha dad aad u badan, waxaa sidoo kale colaadan ku barakacay boqolaal kun oo qof ,kuwaa oo hadda qaxooti ku ah meelo kala duwan.

Colaada dalka Sudan ka aloosan ayaa lagu eedeeyay in ay ku lug leeyihiin dowlado Carbeed, kuwaa oo taageeraya qeyb kamid ah dhinacyada colaada u dhaxeyso ee Milatariga Sudan iyo ciidamada gurmadka deg dega ah.

Safiirka Suudaan ee Qaramada Midoobay Al- Harith Idriss ayaa si cad u sheegay in dowladda Imaaraadka ay tahay mida hurineysa colaada Sudan ka aloosan, waxa uuna ku eedeeyay in Imaaraadka qarash ku bixinaya sii socoshada colaada Sudan.

Dowladda  Sudan ayaana ku eedeenaysa Imaaraadka Carabta in ay taageero buuxda siinayaan ciidamada gurmadka degdega ah ee kasoo horjeeda milatariga, Imaaradaka ayaana la sheegay in dhaqaale iyo huba ku taageerayo ciidamada RSF.

Imaaraadka Carabta ayaana beeniyay eedeynta uga timid dowladda Sudan, waxa ayna eedeyntan imaaneysaa xilli marar badan fashilmeen wadahadallo la doonayay in xal loogu helo colaada ka aloosan dalka Sudan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taalo Dad badan ka yaabisay oo laga dhisay magaalada Almaty !!(Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Al-Shabaab oo si kulul u beenisay War ka baxay Warbaahinta dowlada Somalia

Caydiid Ali

Qoorqoor oo Magacaabay Guddoomiyaha cusub ee gobolka Galgaduud (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---