Jubbaland oo DF ku eedeysay dagaalkii maanta ka dhacay Magaalada Kismaayo

Wasiirka warfaafinta Dowlad-goboleedka Jubbaland oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in dowlada Somalia ay ka dambeysay iska horimaadkii maanta ka dhacay Kismaayo.

Iska horimaadkan ayaa dhexmaray ciidamo ka tirsan Jubbaland oo kala taabacsan Madaxweynaha Maamulkaas Axmed Madoobe iyo C/naasir Seeraar oo isna sheegta inuu yahay Madaxweynaha Jubbaland.

“Ciidanka amniga Jubbaland waxay fashiliyeen isku day ay Dowladda Federaalku ku khal-khal gelinayso nabadgelyada magaalada Kismaayo” ayuu yiri Wasiirka.

Eng. Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed Wasiirka warfaafinta Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in ciidanka amniga Jubbaland ay dhabarka ka jebiyeen qorshe ay Dowladda Federaalku ugu talo gashay inay ku bur-buriso nabadgelyada magaalada Kismaayo, iyada oo adeegsanaysa kooxo uu ugu yeeray maleeshiyaad ah.

“Dowladda federaalka waxay ka shaqeysay in C/naasir Seeraar iyo C/rashiid Xidig ay fowdo ku sameeyaan Safarkii  ay Maanta Kismaayo ku tageen Safiirka Mareykanka ee Somalia iyo taliyaha ciidamada AFRICOM balse waan fashilinay” ayuu yiri wasiirka.

Waxaa uu intaas in safarka Taliyaha howlgalka AFRICOM Stephen Townsen iyo safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Donal Yamamoto uu ku dhamaaday si amaan ah, lagana hortagay kooxihii isku dayey iney carqaladeeyaan sida uu yiri.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -