Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Cabdirashiid Janan oo si cad u inkiray inuu joogo Magaalada Mandhera

Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa sheegay inuusan ku sugneyn magaalada Mandera balse uu joogo magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo.

Waxa uu sheegay inuusan doonayn inuu khilaaf ka dhex abuuro dowladaha deriska ah ee Soomaaliya iyo Kenya.

“Waxaan isku meel joognaa Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo saraakiil dhowr ah oo reer Jubbaland ah, hadafkeenuna waxaa yahay inaan soo ceshano gacan ku heynta degmooyinka gobolka Gedo ee dowladdu la wareegtay” ayuu yiri Cabdirashiid Janan oo la hadlay VOA.

Cabdirashiid Janan ayaa sidoo kale sheegay inaysan wax dhibaato ah ku jirin inuu tago dalka Kenya, uuna booqan karo xili walba oo loo baahdo.

Ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Janan ee ku saabsan inuu joogo degmada Belad-xaawo ee gobolka Gedo oo ciidamo taabacsan dowlada Somalia ay gacanta ku hayaan.

Hadalkiisa ayaa yimid kaddib markii siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta kale ee Gobolka Mandera ay ugu baaqeen dawladda Kenya inay hubka ka dhigto ama waddanka ka saarto Cabdirashiid Janan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Markab weyn oo sida Shidaal oo kusoo xirtay Dekadda Boosaaso (Sawirro)

Cabdi Cade

Waa tuma gabadha Soomaaliyeed ee hadal heynta badan ka dhalisay dalka Sweden ?

Cabdi Cade

Natiijada baaritaanka weerarkii ka dhacay Xabsiga dhexe oo la soo bandhigay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---