Markab weyn oo sida Shidaal oo kusoo xirtay Dekadda Boosaaso (Sawirro)

Waxaa xalay dekadda magaalada Boosaaso ee gobolka Bari kusoo xirtay markab weyn oo siday shidaal aad u badan, waxaana la filayaa in shidaalkan is badal ku keeno sicirka shidaalka oo meel sare gaaray deegaanada Puntland.

Markabkan shidaalka waday waxa uu u rarnaa ganacsato kasoo jeeda deegaanada Puntland, waxaana durba dekadda gaaray booyado shidaalka qaada oo markabka kasoo qaaday una daabulayay Boosaaso iyo magaalooyin kale.

Sicirka shidaalka ayaa deegaanada maamulka Puntland ka gaaray meeshii ugu sareesay, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda isbadal la taaban karo ku yimaado sicirka shidaalka Boosaaso iyo magaalooyin kalaba.

Dekadda magaalada Boosaaso ayaa waxaa ka jiray mashquul maalmihii lasoo dhaafay, waxaana dekadda laga rarayay xoolo loo iib geenayay dalka dibadiisa, waxaana dekadda la filayaa in ay kusoo xirtaan maraakiib iyana wada alaabo kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -