Shiikh Shaakir oo la kulmay Wasiiradii Galmudug ee xiligoodu dhamaaday (Sawirro)

Shiikh Mohamed Shaakir Ali Hassan oo Ahlu suna ay u dooratay inuu noqdo Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa kulan la qaatay Wasiirada Galmudug ee xiligoodu dhamaaday.

Shiikh Shaakir iyo wasiirada ayaa wada hadley arimo ay ka mid Yahiin, sidii loo dardar galin lahaa howlahii Shaqo ee Wasaaradaha Dowlad Goboleedka Galmudug iyo Sidii loo xoojin lahaa wadashaqeenta iyo Xariirka Wanaagsan Arimaha Horumarinta Galmudug.

Faahfaahin intaas ka badan lagama bixin kulankan dhexmaray Shiikh Shaakir iyo Wasiirada Galmudug oo galabta ka dhacay Dhuusamareeb.

Galmudug ayaa haatan leh saddex nin oo dhamaantood sheeganaya iney Madaxweyne ka yihiin, waxaana guuldareystay dedaal muddo badan socday oo DF ku dooneysay iney maamul mideysan maamulkaas ugu dhisto ka dib markii loo caal waayey khilaaf aan dhamaad laheyn oo siyaasiyiinta maamulkaas hareeyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -