Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Baaq dg deg ah u diray Dowlada federaalka (Akhriso)

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in arday badan oo Soomaaliyeed ay ku go’doonsan yihiin Gobolka Wuhan ee dalka Shiinaha , halkaas uu ka dilaacay cudurka halista ah ee Coronavirus.

Waxa uu sheegay Mr Warsame in gobolkaasi oo hada go’doon ku jira laga saaray inta badan dadkii ajaaniibta ahaa ee kunoolaa ayna usoo gurmadeen dowladahooda, waxa uuna tilmaamay in gurmad u baahan yihiin ardayda Soomaaliyeed ee halkaasi kunool.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ugu baaqay dowlada Soomaaliya in si deg deg ah ugu gurmato ardayda Soomaaliyeed ee ku go’doonsan gobolka Wuhan halistana ugu jira cudurka halkaasi ka dilaacay.

Halkan ka Akhriso Qoraal uu soo saaray Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Waxay ardayda Soomaaliyeed ee ku go’doonsan Gobollka Wuhan ee dalka Shiinaha ii sheegeen in aysan ilaa iyo haatan gurmad ka helin Dowladda Federaalka ah. Waxay kaloo ii sheegeen in Gobolku uu karantiil ku jiro oo si shakhsi ah looga bixi karin, in ay safaarada dalkaada kaa saarto mooye. Waxay ii sheegeen in dowladaha tabarta yar sida Falastiin Yaman iyo Ciraaq ay dowlado kale la kaashadeen oo ay dadkoodii la baxeen.

Madaxda Dawladda Federaalka ah maadama ay magacii Qaranka maanta iyagu dowladda Soomaaliya ku metalayaan waajib ayaa ka saaran samata bixinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Wuhan ku go’doonsan.

Dadka gudaha dalka jooga ee dhibaatooyinka caynkaan ahi la soo derisaan, gurmad ayey walaalahooda kale ee Soomaaliyeed ka helaan, laakiin ardayda Gobolka Wuhan ku go’doonsan dowlad keli ah ayaa u gurman karta. Qaran aad magaciisa ku badbaadayso, haddii maalinta aad ugu baahi badan tahay gacan kuu fidin waayo, ma jirto sabab uu macno kuugu sameeyo.

Waxaa la sheegay in Corona Virus ka uu maalintii 3895 ku dhaco. Dowladdu degdeg ha ugu gurmato ardaydaas Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -