Aabe dalbaday Hal Milyan Dollar oo Magdhaw ah kadib markii gabadhiisa tinta laga jaray !

Aabaha dhalay gabar 7-sano jir ah ayaa dacwad ka gudbiyay macalimad iyo labo kamid ah shaqaalaha Iskuulka Ganiard ee kuyaala dalka Mareykanka oo tinta ka jaray gabadhiisa iyaga oon wax fasax ah ka heesan .

Jimmy Hoffmeyer, oo ah aabaha dhalay gabadha yar ee tinta laga jaray ayaa Warbaahinta u sheegay in iskuulka duudsiiyay xuquuqda dastuuriga ah ee gabadhiisa, waxa uuna cadeeyay in uu hada gabadhiisa ka saaray Iskuulkaasi.

Aabahan ka careesan in gabadhiisa tinta laga jaray fasax la’aan ayaa codsaday Hal Milyan Dollar oo magdhaw ah, waxa uuna iskuulka gabadhiisa dhiganeysay ku eedeeyay in ay ku xadgudbeen gabadhiisa yar.

Gabadha yar ayaa la sheegay in markii hore arday baska Iskuulka la saarnaa uu ka jaray qeyb kamid ah tinta ,waxaana macalimad wax u dhigeesay gabadhaasi geysay goob tinta lagu jaro si ay ugu sinto gabadhaasi tinteeda oo kala dheereed.

Dacwada iskuulkan laga gudbiyay ayaa sidoo kale sheegaysa takoor jinsi iyo handadaad qowmiyadeed oo si ulakac ah loogu sameeyay gabadha yar ee tinta laga jaray, inkastoo eedeyntaasi maamulka iskuulka beeniyeen.

Maamulka Iskuulka ayaana ku canaantay macalimadii gabadha yar tinta ka jartay talaabada ay qaaday, hasa ahaatee maamulka ayaa go’aansaday in aysan shaqada ka eryin macalimada dawcada lagu soo oogay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -