Qaar kamid ah Xildhibaanada Galmudug oo ka habaarsaday Odayaashii soo xulay !!

Magaalada Dhuusomareeb waxaa kusoo idlaaday doorashada Hogaanka cusub ee Galmudug, waxaana isbuucan la doortay Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa halka Gudoonka baarlamaanka horey loo doortay.

Dhismaha Galmudug ayaa laga soo maray dhibaatooyin badan, waxaana Odayaasha dhaqanka ee beelaha dega Galmudug ku sugnaayeen magaalada Dhuusomareeb mudo ka badan 7-bilood iyagoona u dhabar adeegayay dhismaha Galmudug loo dhan yahay.

Odayaasha dhaqanka ayaana soo xulay Xildhibaano gaaraya 69-Xildhibaan oo qeyb ka noqday Baarlamaanka cusub ee Galmudug, waxaana odayaasha soo xulista xildhibaanadan ka mareen dhibaatooyin badan iyo is qab qabsi.

Qaar kamid ah xildhibaanada kamid noqday Baarlamaanka Galmudug ayaa la sheegay marii xil doonka ahaayeen in ay har iyo habeen joogi jireen guryaha ay degnaayeen Odayaasha saxiixayaasha , waxa ayna xubnahan dadaal badan ku bixin jireen kasbashada odayaasha .

Sida ilo ku sugan magaalada Dhuusomareeb noo sheegeen Xildhibaanada Gamudug qaarkood ayaa intii olalaha ku jireen wax walbo u sameyn jiray Oadyaasha iyagoona daqiiqad walbo dul taagnaan jireen si mar un looga dhigo xildhibaan.

Arinta layaabka leh ee hada ka dhacday magaalada Dhuusomareeb ayaa noqotay in qaar badan oo kamid ah Xildhibaanada Galmudug ay dharaar cad uga dhuunteen magaalada Odayaashii soo xulay kana dhigay Xildhibaanada.

Xildhibaanada ayaa la sheegay in markii gacanta ku dhigeen lacag ka badan 30-Kun oo Dollar ay telfoonada dansadeen qaarkoodna ayba magaalada ka baxeen, waxaana dhif noqotay in Xildhibaanada dib ugu soo laabtaan odayaashii ay har iyo habeen dul taagnaan jireen sababna u ahaa in Xildhibaano noqdaan.

”Waxaa layaab nagu noqotay raga hada Xildhibaanada noqday markii ay olalaha ku jireen har iyo habeen odayaaasha ayey la joogi jireen, cijiyaha ka jari jireen cilaana u marain jireen, hadana markii lacag badan heleen magaalada ayey uga dhuunteen iyaga oon xitaa diyaarad raaca u reebin odayaashii dhibka kasoo maray dartoodna u eedoobay” ayuu yiri Siyaasi jooga Dhuusomareeb.

Qaar kamid ah Odayaasha soo xulay Xildhibaanada loogana dhuuntay magaalada Dhuusomareeb ayaa la sheegay in ay habaartamayeen halka kuwa kalana ay sheegeen in aysan dhibaato u arag ficilka xildhibaanada qaar ayna ku barteen.

Siyaasiyiinta xil doonka ah ayaa inta badan waxaa caado u ah marka ay jago doon yihiin in ay soo dhax galaan dadkooda gaar ahaan Odayaasha si ay wax u noqdaan, hasa ahaatee waxaa miriqdooda la waayaa markii ay gaaraan dantooda ayna helaan kursigii ay doonayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -