Allbanaadir.com
NEWS

Mid ka mid ah weriyeyaashii ugu caansanaa BBC oo geeriyooday

AUN, Cabdirisaaq Xaaji Maxamed Siraad oo ka mid ahaa rug caddaayaashii Saxafaadda Soomalida iyo wariyaashii loogu jeclaa laanta Soomaaliga ee Idaacada BBC ayaa galabta geeriyooday.

Marxuumka ayaa galabta ku xijaabtay Isbitaal ku yaalla magaalada Hargeysa oo uu mudooyinkan ku jiray ka dib markii au soo wajaheen xanuuno.

“Waxaan uga tacsiyeynayaa carruurtiisa, ehelka, qaraabada, asxaabtiisi, bahda warbaahinta iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed inuu Samir iyo iimaan naga siiyo, isagana Janatul Fardowsa ka waraabiyo Aamiin” sidaas waxaa yiri afhayeenka xukuumada Somalia Farxaan Maxamed Jimcaale

“Runtii, aad baan uga naxay warka ku saabsan geeridiisa, sababtoo ah Cabdirisaaq wuxuu ahaa saaxiib iyo walaal qaali igu ahaa muddo ka badan 20 sano oo aan isla shaqeyneynay iyo kadiba, wuxuu ahaa saaxiib aan aad isugu dhaweyn oo aan is xiriirin jirnay. Wuxuu ahaa saaxiib sheekadiisa iyo wanaaggiisa aadan ka xiiso dhaceyn. Wuxuu ahaa walaal naxariis badan” ayuu intaas ku daray afhayeenka

Sirad wuxuu ka mid ahaa ruug caddaagii ka soo shaqeeyay BBC oo uu ka hawlgalayay muddo 50 sano ah, (Nus Qarni). Wuxuu kaalin weyn ku lahaa horumarinta af Soomaaliga, suugaanta, hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, isagoo isticmaalayay xirfaddiisa warbaahineed.

Related posts

DF oo xabsiga dhigtay saraakiil & askar ka tirsan ciidanka Xoogga dalka (Sababta)

Caydiid Ali

Muddo kororsiga uu rabo Madaxweyne Laftagareen oo si weyn looga hor yimid

Cabdi Cade

Rooble oo ka hadlay go’aankii ka soo baxay Guddiga Doorashada ee Heer Federaal

Caydiid Ali
Taboola Ads ---