Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xukuumada Somalia oo ku dhawaaqday xaalad deg deg ah oo dalku galay (Sababta)

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday xaalad deg deg ah, kaddib markii uu dalka ku baahay ayax baabi’yay dalagyo ku yaalla dhul beereed baaxad weyn.

Xaaladda ayaxan halista ba’an ku haya Soomaaliya ayaa uga sii dartay cunto yari dalka hore uga jirta, iyadoo Soomaaliya ay tahay mid ka mid ah dalalka ugu faqrisan uguna dayacan ee gobolka Geeska Africa.

Wasaaradda Beeraha Soomaaliya ayaa sheegtay in xaalad qaran oo deg deg ah dalka la geliyay, sababo la xiriira sare u kaca ku yimid xowliga uu ku socdo ayaxa oo khatar weyn ku ah cuntada Soomaaliya oo awalba aheyd mid aanan dalka ku filneyn.

Wasiirka beeraha iyo waraabka Soomaaliya, Siciid Xuseen Ciid, ayaa sheegay in ayaxa oo ku degay deegaanno badan oo dalka ah uu khatar ku yahay wax soo saarka beeraha ee wadanka.

Khubarrada ayaa sheegay in axaya ku habsaday Soomaaliya uu yahay natiijo ka dhalatay isbedelka cimiladda, iyadoo meelaha qaar uu si xoogan uga da’ay roobkii deyrta halka meela kalana uu ku yaraa ama ay abaari ku dhufatay.

Soomaaliya ayaa hadda noqotay dalkii ugu horreeyay oo ku yaalla Bariga Africa oo ku dhawaaqa xaalad deg deg ah, sababo la xiriira ayaxa. Dalalka Kenya iyo Itoobiya ayuu sidoo kale ayaxa fara ba’an ku hayaa.

Hey’adda Beeraha iyo Cuntada Aduunka ee FAO ayaa sheegtay in ayaxan uu noqday kii ugu xumaa ee ku habsada Geeska Africa muddo 25 sano ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Biden oo si cad ugu hanjabay inuu difaacayo Taiwan haddii Shiinuhu soo weeraro

Caydiid Ali

(Sawirro) Madaxweyne Geelle & Marwadiisa oo qaatay talaalka cusub ee COVID-19

Caydiid Ali

Ciidamada Itoobiya oo afar oo qof Shacab ah maanta ku dilay Degmada Baardhaare

Cabdi Cade
Taboola Ads ---