Dowladdii ugu horeysay caalamka oo bilowday iney shacabkeeda kala dagaalanto cayilka

Qadar ayaa noqonaysa dowladii ugu horreeyay dunida ee dhammaan dadka qaangaarka ah ka baara nooca labaad ee macaanka ama sokorowga kaasoo ka dhasha cayilka.

Waxaa la leeyahay shantii qofba, mid ka mid ah ayaa dalkaasi qaba sokorowga, taasina waa ku dhowaad laban laab guud ahaan dunida, iyadoo Xanuunka macaanka uu noqday dilaaga ugu weyn ee dalka Qatar.

Cudurkan oo sababa in ay kor u kacaan heerka sokorta qofka ayaa waxa uu aad sare ugu qaadaa halista ah in qofka uu ku dhoco shalal ama wadne xanuun ama xitaa indho la’aan.

Wasaaradda caafimaadka dalkaas ayaa sheegtay inay baaritaan ku samanayso dhammaan dadka mudada dheer degenaa dalka Qatar illaa sanadkan dhammaadkiisa.

Waa markii ugu horeysay oo dal adduunka ka mid ah uu qaado talaabo sidan u baaxad weyn oo dadka ku nool oo dhan xanuun laga baarayo.

Waxa uu qeyb ka noqonayaa barnaamijka dowladda ay kula dagaalamayso cayilka, kaasoo inta badan horseeda nooca labaad ee xanuunka macaanka.

Wax ka badan boqolkiiba 70% dadka Qatar ayaa la sheegay in uu miisaankoodu said yahay, waxay dowladda soo rogeysaa canshuur lagu kordhinayo sokorta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -