Fiqi “Galmudug ma ahan State ka tirsan Maraykanka oo aqoonsi ka raba Safiir dhinac u janjeera”

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Baarlamanka Somaliam, kana mid ah siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeda dowlada Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in doorashadii maanta ka dhacday Dhuusamareeb aysan mudneyn in loo dabaaldego, maadaama sadex madaxweyne ay yeelatay galmudug.

Waxaa uu si kulul u weeraray safiirka Maraykanka u fadhiya Somalia isagoo ku dhaliilay hambalyadii uu diray Madaxweyne Qoor-qoor.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA UU SOO SAARAY XILDHIBAAN FIQI

GALMUDUG haddii doorashooyin kala duwan ay ka dhaceen oo madax kala duwan soo saartey, waxaa muhiim ah wixii hadda ka danbeeya in loo hawlgalo sidii loo xallin lahaa kala taagnaanta iyo khilaafka jira, hal meelna la isugu soo uruuriyo maamuladaas isdiidan.

Afar sano ka hor Galmudug oo cusub oo aan khilaaf badan ka dhexjirin ayaa madaxdii joogtay ay ku fashilantey hogaaminteeda iskaba daa ayadoo kala qeybsan maanta.

Uma arko hambalyada safiirada ajnabiga ah sida Yamamato In ay Galmudug ilowsiin karto xanuunka kala qeybsanaanta, Galmudug ma ahan state ku dhexyaalla maraykanka oo aqoonsi uga baahan safiir horey loo sii ogaa mowqifkiisa dhinaca u janjeera.

Waxaan dadka reer Galmduug xusuusinayaa inuusan u oolin dabaaldegid iyo hambalyo diris ayadoo ay Galmudug gudaheeda ay ku sugan yihiin 3 maamul oo hey’adahoodii barlamaanka wada wata, waxaan ka shaqsi ahaa qeyb ka noqon doonaa dadaalada nabadda iyo wadahadalka ee Galmudug lagu midaynayo si maamul dadkeedu raalli ka wada yihiin loo helo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -