Gaari ay la socdeen dad shacab ah oo miino ay kula kacday degmada Afgooye

Wararka ka imaanaya gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in miino la aasay ay maanta la kacday gaari ay saarnaayeen dad shacabka oo marayay duleedka Degmada Afgooye.

Gaariga miinada kula qaraxday  ayaa la sheegay inuu ka yimid deegaanka Cabdow dibile ee duleedka degmada Afgooye, waxaana la tilmaamay in gaariga uu ku soo jeeday Magaalada Muqdisho, iyadoo gaariga miinada la qaraxday uu ahaa Hoomey.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in khasaaro lixaad leh uu soo gaaray dadka shacabka ee saarnaa gaariga miinada haleeshay ugu yaraan shan qof ayaana la xaqiijiyey iney dhinteen halka tiro kale oo badan ay ku dhaawacmeen

Ciidamada dowlada iyo maamulka degmada afgooye ayaa la sheegay iney u gurmadeen dadka waxyeeladu ka soo gaartay miinadaas oo loo soo qaaday magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -