Qoorqoor oo sheegay inuu Wadahadal la furayo siyaasiyiinta Galmudug

Madaxweynaha la doortay ee maamulka Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa sheegay inuu rajeynayo in doorashadiisa ay horseedo dib u heshiisiin, isagoo sheegay inuu xiriir la sameyn doono dhammaan dhinacayda Galmudug.

Waxaa uu intaas ku daray in nidaamka doorasho ee lagu doortay inuu yahay mid ay ka dhex muuqdeen dhamaan bulshada Galmudug ku nool.

“Xilkan inaan isku soo sharaxo xaq baan u leeyahay sanad iyo wax ka badan ayaana musharax ahaa, inaan dowladda xiriir iyo wada shaqeyn la leeyahayna sharaf ayey ii tahay, anigu maahi dadka khilaafka iyo khalalaasaha ka shaqeeya, mar walba in dowladnimada Soomaaliya horay loo sii wado ayaan ka shaqeeyaa” ayuu yiri madaxweynaha cusub ee Galmudug.

Qoor-qoor ayaa sheegay inuusan diyaar u ahayn inuu cid gaar ah u jawaabo ama eed u jeediyo, balse uu si degdeg ah u furi doono madal wadahadal oo lagu dhegaysan doono cid kasta oo tabasho qabta.

Waxaa uu Dawladda Federaalka Soomaaliya ku bogaadiyey ugana mahad celiyey dedaalkii dheeraa ee ay la soo martay dhismaha Maamulka Galmudug.

Xildhibaanada baarlamaanka Galmudug ayaa shalay Madaxweynaha cusub ee maamulkaasi u doortay Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor inkastoo doorashadaasi ay qaadaceen garabka Ahlu Suna iyo madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf, iyadoo Qoorqoor uu helay 66 cod halka musharixii ugu soo dhawaa oo ahaa Cabdullaahi Axmed Samatar uu helay 9 cod oo kali ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -