Allbanaadir.com
NEWS

Wajiga labaad ee Shirka Isla Xisaabtanka Xukuumada Somalia oo furmay (Daawo Sawirada)

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay Wajiga labaad ee shirka Isla Xisaabtanka Xukuumada Soomaaliya , waxaana shirkan gudoominayay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumada Mahdi Maxamed Guuleed .

Kulanka waxaa kasoo qeyb galay qaar kamid ah golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya , waxaana Wasiirada la weediinayay su’aalo la xariira waxyaabihii u qabsoomay dhoorkii bil ee lasoo dhaafay.

Wasiirada kulanka kasoo qeyb galay ayaa ka jawaabayay su’aalihii la weediiyay , waxa ay sidoo kale soo bandhigeen hiigsiga iyo waxyaabaha u qorsheesan boqolka maalmood ee soo socda.

Xukuumada Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa horey u balan qaaday in uu jiri doono isla xisaabtan dhab ah, waxaana Ra’isul Wasaaraha marar badan booqday xarumaha Wasaaradaha si uu ugu kuur galo sida ay wax u socdaan.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Galmudug oo ka jawaabtay hadal ay shalay soo saareen Xildhibaanada Golaha shacabka

Caydiid Ali

Madaxweyne Xassan Shiikh oo si diiran loogu soo dhoweeyey Abu- Dhabi (Sawirro)

Caydiid Ali

Xukuumada Somalia oo si adag uga hadashay Muslimiintii lagu laayay dalka New Zealand

Cabdi Cade
Taboola Ads ---