Dabaaldeg weyn oo lagu qabtay Hargeysa iyo Muuse Biixi oo ka qeyb galay (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay Xus ballaaran oo loo sameeyey Sannad-guurada 26-aad ee kasoo wareegtay Aas-aaska Ciidanka Somaliland.

Biixi ayaa intaanu gaarin goobta xafladdu ka qabsoontay waxa uu kormeer iyo xadhig ka jarid ku maray miiska saraakiisha ciidanka oo lagu soo kordhiyey xarumo muhiima oo ay ka mid yihin qaybta jir dhiska saraakiisha iyo dhisme cusub oo lagu soo kordhiyey Isbitaalka Ciidanka ee Birjeex.

Munaasabadda dabbaal-degga sannad-guurada 26-aad ee Aas-aaska ciidanka Somaliand oo lagu qabtay xarunta taliska guud ee ciidankaas ayaa waxaa madaxweynaha kala qayb galay masuuliyiin kala duwan iyo saraakiil ciidan.

Taliyaha ciidanka Somaliland Sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani oo munaasibadda xuska Aas-aaska sannnad-guurada 26-aad ka hadlay, ayaa ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee ay soo mareen ciidanka, guulaha ay gaareen iyo dedaalka ay ugu jiraan sidii ay uga mid noqon lahaayeen ciidamada ugu awoodda badan gobolka geeska Afrika.

Taliye Nuux waxa uu caddeeyey inay ciidamada nafta u hureen difaaca Somaliland, islamarkaana ay ku guulaysteen sugidda xuduudaha dalka iyo gacansiinta shacabka,

Wasiirka Gashaandhigga Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid) oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa bogaadiyey guud ahaanba ciidanka, saraakiishooda, dablayda iyo xaasaskooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaabadda xuska sannad-guurada 26-aad ee kasoo wareegtay Aas-aaska ciidanka, ayaa ugu horrayn hambalyo guud u diray ciidanka Somaliland, ubadkooda iyo xaasaskooda, waxana uu ku dheeraaday duruufihii iyo marxaladihii ay soo mareen ciidanka oo haatan ah cudud ku filan difaaca maamulkiisa.

“Ciidanka qaranku maanta iyada oo aan la ina ictiraafin ayuu ka xoog weyn yahay ciidamada kuwa la ictiraafay, ka Edab wanaagsan yahay oo ka adkaysi badan yahay, ciidamada qalabka sida ee kala duwan dhammaantood waxa uu qaranku ugu mahadnaqayaa iskaashi amni iyo xilkii la saaray inay guteen, maantana waxa si wacan u wada shaqaynaya oo isku xiran ciidanka qaranka, Booliska, asluubta, socdaalka, badda iyo kan wardoonka” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii Muuse Biixi ayaa billad-geesi guddoonsiiyey labada taliye qaybeed ee 31aad iyo 12aad ee Ciidanka Somaliland, Gashaanle Sare Cismaan Faarax Cawaale (Dolaal) iyo gaashaanle sare Axmed Hurre Haariye, waxaanu madaxweynuhu xusay in ay diyaarinayaan bixinta 750 bilad geesi oo isugu jira dahab iyo qalin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -