Wasiirkii Amniga Jubbaland iyo masuuliyiin la socotay oo gaaray Nairobi

Wasiirka Amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid Janan oo maanta doon ku gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ayaa diyaarad gaar ah u qaaday magaalada Nairobi ee caasimada Kenya.

Sida aan wararka ku helnay Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan ay wehliyeen masuuliyiin katirsan maamulka Jubbaland ayaa gaaray laguna soo dhaweeyay magaalada Nairobi.

Magaalooyin katirsan maamulka Jubbaland ayaa maanta waxaa ka dhacay banaan bax lagu soo dhaweenayay soo baxsashada Wasiirkii Amniga Jubbaland oo ka baxsaday xabsi uu kaga xirnaa magaalada Muqdisho.

Wasiir Janan ayaa magaalada Nairobi loogu qaaday arimo caafimaad iyo sidoo kale arimo siyaasadeed, mana jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay Wasiirka amniga ee ka baxsaday magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa horey ugu sugnaa magaalada Nairobi, waxaana la filayaa in halkaasi kulan gaar ah kula qaato Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo isna hada ku sugan Nairobi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -